December, 06-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Garoonka diyaaradaha magaalo xeebeedka Hobyo maanta ka dagtay diyaarad siday wafdi ka socda hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cunta WFP iyo xubno ka socda safaaradda Talyaaniga. Wafdigan ayaa sidiiran waxaa garoonka ugu soo dhaweeyey Madax ka tirsan Galmudug iyo maamulka Degmada.

Wafdigan ayaa loo galbiyey gudaha magaalada halkaas oo ay kulan kula qaateen Masuuliyiinta, saraakiisha WFP ayaa u tagay Hobyo si ay u kormeeraan mashaariic halkaasi ka socota oo ay maalgaliyaan iyo qiimeyntii ugu dambeysay sida ay mashaariic balaaran uga fulin lahaayeen halkaasi.

sidoo kale WFP ayaa daneynaysa in mucaawinada u socota deegaanada Galmudug laga soo dajiyo dekekada Hobyo sida Saraakiisha ay sheegeen.

Dhanka kale Xubnaha ka socday safaaradda Talyaaniga ayay aheyd markii ugu horeysay ay halkaasi tagaan, iyagoo sheegay in deegaanada Galmudug ka fulin doonaan mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha Xabsi weyn iyo taageeridda hay’adda cadaalada iyo kuwa amniga.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6279
LATEST NEWS