December, 05-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Wasiirka Wasaaraddda Amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin dhinacyo kala duwan taabanaysa ka bixiyay xaaladda Amniga Dalka.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Wasaaraddda Amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay meel wanaagsan marayso Howgala laamaha Amniga Soomaaliya ku xaqiijinayaan Amaanka Caasimadda Soomaaliya ee xamar iyo Gobolada Dalka.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday in ay wax badan ka hirgaleen Qodobadii kasoo baxay shirkii london ee looga hadlay Arrimaha Amniga Soomaaliya kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen Madax kala duwan.

Hadalkaan Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa imaanaya xili Magaalada xamar uu ka soconayo Shirka looga hadlayo Amniga Dalka oo uu furay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayna ka qeyb galayaan Madaxda maamul Goboleedyada qeybta ka ah Dowladda dhexe.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6279
LATEST NEWS