December, 04-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir ay ka qeyb galeen qaar ka tirsan wadamada Bariga Afrika, kaasi oo dalkaasi ka socday mudo Todobaad ah.

Shirkan ayaa wadamada ka qeyb galay waxaa ka mid ah Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Tanzania, Uganda, Yemen, Suudaan, Itoobiya iyo wadamo kale oo ka tirsan Bariga Afrika, waxaana dhinacyadii ka qeyb galay ay isla meel dhigeen qodobo dhowr ah.

Mahdi Yuusuf Cumar oo La Taliye u ah Wasiirka Garsoorka Jabuuti kawaramay waxyaabihii looga hadlay shirkan ayaa wuxuu sheegay shirkan in si gaar ah diirada loogu saaray xoojinta iskaashiga wadamada Bariga Afrika, ka hortagga Argagixisada iyo qodobo kale.

Wuxuu sheegay xubnihii ka qeyb galay shirkan in si gaar ah ay u falanqeeyeen arrimaha Argagixisada, waxayna qireen in Argagixisada ay tahay awood jirta, loona baahan yahay sidii looga hortagi lahaa.

Shirkan ayaa noqonaya shirkii labaad oo markale lagu qabto dalka Jabuuti, waxaana uu yahay mid mudo kadib lagu qabto wadan ka mid ah wadamada Afrika.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6279
LATEST NEWS