December, 04-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in ay u diyaar garowday shirar caalami ah oo dhici doona 4-ta December oo maanta ku beegan iyo 5-ta December oo berri ah.

Shirarkan oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed (Farmaajo) ayaa waxaa ka qeyb gelaya, Madaxda maamul Goboleedyada, xubno ka socda Beesha Caalamka, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin kale.

Wuxuu sheegay Wasiirka Warfaafinta in xamar maanta uu ka dhici doono shirka Amniga, loogana hadlayo wixii ka soo baxay shirkii London bishii May, Dib u habeynta Ciidamada, Howlgalada Ciidanka iyo bixitaanka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta wuxuu sheegay 5-ta bisha December in xamar uu ka dhici doono shir loogu magac daray (Somali Partnership Forum), kaasi oo looga hadli doono arrimaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta kobcinta dhaqaalaha.

Shalay magaalada xamar waxaa lagu qabtay shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer maamul Goboleed iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Shirkan waxaa ka qayb galay xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa magaalada xamar iyo hogaamiyayasha maamul Goboleedyada marka laga reebo hogamiyaha Galmudug oo howla shaqo oo kale u cudur-daartay.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6279
LATEST NEWS