November, 25-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
“Tani waa bilowga dimuqraadiyad cusub oo ka curatay dalkeena,” Emmerson Mnangagwa ayaa sidaasi u sheegay taagerayaashiisa khudbadiisii ugu horreysay oo goob fagaaro ah uu ka jeediyo tan iyo intii uu dalkaasi ku soo laabtay.

Balse su’aashu waxa ay tahay ma tahay mid dhab ah oraahda Mr Mnangagwa .

Muddo dhan 50 sano,Mr Mnangagwa waxa uu ahaa saaxibka Mugabe ,waxa uuna u ahaa gacantiisa midig.

Waa uu garab taagnaa xilligii halgankii dalkaasi looga xorreynayay caddaankii tirada yaraa iyo xorriyaddii ka dib ba.

Mr Mnangagwa ayaa sidoo kale la sheegay in uu ka dambeeyay qaar ka mid ah tillaabooyiinkii cadaadiska ahaa ee Mr Mugabe gacanta ka siiyay in uu xilka sii hayo.

Hasa yeeshee waxa jira farqi u dhaxeeya ninka imika noqday madaxwaynaha Zimbabwe iyo ninkii siyaasada ku soo barbaariyay.

Balse marka uu Mr Mugabe arrimaha uu si adag u wajaho ayaa waxa la sheegay in Mr Mnangagwa uu ahaa nin si dabacsan u wajaha,marka ay noqoto in uu gaaro hadafkiisa.

Iyada oo la qorshaynayo in doorashada Zimbabwi ay dhacdo sanadka soo socda ayaa xisbiga talada haya ee Zanu-PF, waxaa jagooyiinka sarsare haya dad rugcadaa ah oo u soo dagaalamay xorriyadii.

Waxa uu Mr Mnangagwa rajaynayaa in uu xiriir dhaw la yeesho dhalinyarada oo uu kasbado quluubta dhalinyarada.

Balse si la mid ah Mr Mugabe,waxa uu leeyahay sumcad daro ku saabsan falal arxandaro ah.

Waxa uu wasiirkii ammaanka dalka xilligii uu dhacay xasuuqii Matabeleland sanaddi 1980,markaasi oo 20,000 oo looga shakisanaa mucaaradka la dilay.

Kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa waxa ay ku eedeeyeen Mr Mnangagwa in uu ka dambeeyay howlgalkii ka dhanka ahaa taageerayaasha mucaaradka doorashadii 2008.

Su’aasha muhimka ah ee soo wajahaysa Zimbabwe waxa ay tahay ,in uu ogolaan doono in dalka ay ka dhacdo doorasho xaq iyo xor ah.

Mr Mnangagwa, waxa ugu badan oo uu danaynayo waxa ay tahay in beesha caalamka uu tuso Zimbabwe oo dagan ,si dhaqalaha dalka loo maalgashado.

waxa la sheegaya in Mr Mnangagwa uu sumcad wanaagsan ku leeyahay dhanka waaxda ganacsiga islamarkana uu isku dayay in uu difaaco wax soo sarka beerihii ay haysteen dadka caddaanka,xilligii isbadalkii muranka dhaliyay ee sharciga dhulka.

Waa kuma Emmerson Mnangagwa?

  • Waxaa loo yaqaanna “yaxaas” sababtoo ah qabiilkiisa ayay astaan u tahay. Taageereyaashiisana waxaa loo yaqaannaa “Lacoste”.
  • Tababar milatari ayuu ku soo kala qaatay Shiinaha iyo Masar.
  • Wuxuu gacan ka gaystay hagidda dagaalkii xorriyadda ee 1970yadii.
  • Wuxuu madax u soo noqday sirdoonkii dalkaas intii ay socdeen dagaalladii sokeeye ee 1980yadii, markaas oo kumannaan shacab ah la laayay.
  • Waxaa loo arkayay isku xiraha ciidammada, laamaha sirdoonka iyo xisbiga Zanu-PF.
  • Waxaa lagu eedeeyay in uu maleegay weerarro lagu qaaday taageerayaasha mucaaradka doorashadii 2008-dii ka dib.

Saxafiga lagu magacaabo Martin Fletcher, oo waraystay sanaddii aanu soo dhaafnay ayaa sheegay in Mr Mnangagwa uu doonayo in uu muujiyo in hogaankiisa uu isbadal ku keenayo Zimbabwe.

Mr Fletcher oo mar la hadlay warbahinada maxaliga ayaa tilmaamay “waxa uu doonayaa in uu u muujiyo reer galbeedka in uu ka gadisnaan doono Mugabe,

Tani waxaa laga yaabaa in ay micnaheeda noqoto in uu ka taqaluso sharciyada u xaglinaya dadka u dhashay dalkasi ,kuwaasi oo shirkadaha qasab kaga dhigaya in maalgalinta ay samaynayaan boqolkiiba 51 ay iska lahaadeen dadka madowga ah.

Waxaa laga yaabaa in uu xaliyo arrimaha sida lahaanshiyada dhulka iyo in ay dadka caddaanka ah fursad u helaan in ay lahadaan Dhul dalka Zimbabwe.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6279
LATEST NEWS