November, 19-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Xildhibaan Maxamuud C/laahi “Abuukaate” oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaaliya ayaa sheegay in lala Xisaabtami doono dadka Qalbi Dhagax u gacan galiyay dowladda Itoobiya.

Waxaana uu tilmaamay in markii la dhageystay Guddigii loo xilsaaray Kiiskan ay cadaatay in khalad ay ahayd dhiibistiisa, islamarkaana arrintani masuuliyaddeeda ay qaadan doonaan saraakiisha Nabad Sugida iyo Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaan Abuukaate ayaa cod dheer ku sheegay in Baarlamaanka looga yeeri doono saraakiisha Nabad Sugida iyo Wasiirka Amniga, waxna laga wey diin doono kiiska Muwaadinkaasi Soomaaliyeed.

Shalay ayey ahayd markii Guddiga Baarlamaanku u xilsaaray arrintan ay ka shegeen Goloha Shacabka in ay khalad ahayad dhiibista Cabdikariin Qalbi Dhagax.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6279
LATEST NEWS