November, 19-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Guddiga doorashooyinka maamulka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay cabashadii kasoo yeertay Mas’uuliyiinta xisbiga Wadani ee Somaliland.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Musharraxa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Magaalada Hargeysa warbaahinta ugu sheegay in la xaliyeen Khilaafkii soo gala dhexgalay.

Cabdiqaadir Iimaan Warsame waxaa uu tilmaamay in waraaqaha xisbiga Waddani ay heleen ay lahaayeen guddida doorashooyinka Somaliland isla markaana aanay ahayn kuwo been-abuur ah oo lagu codeeyay.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii xusay in khilaaf kaste oo yimaada ay xalin doonaan.

Musharaxa Xisbiga Wadani ayaa dhankiisa ayaa sheegay in uu ku qancay guddiga doorashooyinka,islamarkaana ay la shaqeyn doonaan.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6279
LATEST NEWS