November, 14-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
In kabadan 700 kun oo codbixiyayaal ayaa codkooda ka dhiibtay ugu yaraan 1,600 oo xarumo codeyn, waxayna kala dooranayeen saddax musharrax oo doonaya in ay bedelaan hogamiyaha xilka baneynaya, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Guddiga doorashada ee Somaliland ee NEC ayaa sheegay in ay dhowr maalin qaadan karto tirinta codadka iyo in natiijada lagu dhawaaqo.

Somaliland oo yeelan doonto hogamiyihii shanaad ayaa shantii sanaba mar qabato doorasho madaxtinimo.

Musharrixiinta tartamaya waxay kala yihiin Muse Biixi oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo hoggaaminaya xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo matalaya xisbiga UCID.

Waxaa ku sugan Soomaaliland kormeerayaal caalami ah kuwaasi oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin qaabka ay u dhacday doorashada madaxtinimo ee Soomaaliland.

Waxaa laga dhursugaya natiijada ka soo bixidoonta tirint codadka iyadoo xisbi kasta iyo taageerayaashiisa ayaa rajo ka qabaan in midkasta uu guusha dooorashadaasi uu helo.

Markii tirinta codadka ay billaabatay, waxaa hawada laga saaray dhammaan baraha bulshada kuwada xiriirto sida Facebook, WhatsApp, iyo Twitter.

Siilaanyo oo la filayay in uu xilka wareejiyo 2015-kii, waxaa laba sano ugu daray baarlamaanka ka dib abaar daba dheeraatay oo ku dhufatay deegaanada Somaliland iyo xal loo raadinayay farsamada doorashada.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6273
LATEST NEWS