November, 14-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay qorshe looga jawaabayo cabashooyinka dadweynaha.

Qorshahan ayaa waxaa soo hindisay sii haya Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Generaal Muqtaar Xuseen Afrax waxaana loogu talagalay sanduuqyadan in ay cabashadooda ku soo gudbiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir loogana jaawaabi doono cid walbo oo ay qusayso.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Korneel Qaasim Axmed Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta ciidanka booliska ayaa warbaahinta u faahfaahiyay muuhimadda ay leeyihiin sanaadiiqdaan iyo meelaha la dhigi doono.

’’Sanaadiiqdaan waxaa la dhigaa afar goobood,gobolka ,jaamacadda ummadda, taliska ciidanka maxkamadda, iyo meeshii loo arko in ay muuhiim tahay’’

Waa markii ugu horeysay oo tallaabo noocaan oo kale ah uu qaado booliska Soomaaliyeed waxa ayna caddeyn u tahay howlaha dar dargalinta leh ee Booliska Soomaaliyeed uu wado.

xamarradio.com halkan hoose ka eeg sawirrada

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6242
LATEST NEWS