November, 14-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneeysa Bangiga Adduunka ayaa daahfurtay wareeggii 1-aad ee barnaamij maalgelin shaqo abuur ah.

Sanduuqa kobcinta hal-abuurka ganacsiga Soomaaliya (SBCF), ayaa sida ay sheegeen masuuliyiinta xafiiskaasi waxa uu wadaa qorshe lagu taageerayo 150-200 oo ganacsato Soomaali ah oo ka kala iman doona gobollada dalka.

Mashruucan ayay masuuliyiinta sanduuqa kobcinta hal-abuurka ganacsiga Soomaaliya sheegeen in qiyaastii 3,500 oo shaqo lagu abuuri doono, taasoo ay xuseen in 30% ay gaar u noqon doonto haweenka, ayagoo sheegay in shaqo abuurka laga sameeyn doono guud ahaan dalka.

Ujeeddada sanduuqa SBCF ayay masuuliyiintiisu sheegeen inuu maalgeliyo ganacsiga Soomaaliya si loo taageero kor u qaadista, kordhinta shaqada iyo horumarinta qaybaha muhiimka ah.

Sanduuqa SBCF ayaa khaas u ah ganacsiga, kaas oo ah in xoogga lagu saaro naqshadaynta figradaha hal abuurka ee cusub, wax soo saarka iyo suuqyo cusub oo gobolka ah.

Sidoo kale waxaa loogu tala galay xoojinta ganacsiga iyo adeegyada farsamada warshadaha si loo dhiso khibradda dhinacyada beeraha, xoolaha, tamarta iyo qaybaha kale.

Daah-furka barnaamijka waxaa ka soo qayb galay saraakiil sar sare oo ka tirsan dawladda FS, kuwaas oo ka kala socday xafiiska Raysal Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, iyo hawl wadeennada mashruuca fulinaya, sidoo kale waxaa ka soo qayb galay dadka ganacsiga ku jira ee iyagu ku guulaystay lacagaha sanduuqaani bixinayo.

Mashruucan shaqo abuurka ah ayaa hadii uu hirgelo waxa uu fursad u noqon doonaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay dalka ku heeysato shaqo la’aanta iyo weliba dadka leh hal abuurka ganacsi ee awoodi waayay in ay helaan maalgelin

xamarradio.com
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6242
LATEST NEWS