November, 11-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay shirka wareega nabad-galyada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay soo hadal qaaday siyaasiyiinta iyo kooxaha ku kacsan dowladda uu madaxweynaha ka yahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay wax yabaaha hadda dhaca ay soo jiitamayeen tan iyo dowladdihii hore oo mar walba sida uu hadalka u dhigay jireen shaqsiyaad mucaaradsan oo diidan in dowladnimadu socto oo waqti leysa-siiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay mar walba jiraan shaqsiyaad sidda uu hadalka u dhigay caado ka dhigtay in aysan dalka ka hanaqaadin dowladnimo, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu aysan ogolaan doonin in bulshada la geliyo qal qal siyaasadeed.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili dowladda uu madaxweynaha ka yahay wajaheyso culeys siyaasadeed oo uga imanaya siyaasiyiin iyo shaqsiyaad miis ku dhax leh siyaasada kuwaa oo waayadii ugu danbeeyay siweyn u isticmaalayay baraha bulshada.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6242
LATEST NEWS