November, 08-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in lacag dhan $ 1 million oo dollar dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii 14kii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska Zoobe

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah [Berri] si toos ah lacagta ay balanqaaday dowladda loogu soo shubi doono Akoonka guddiga Gurmadka Qaranka.

Sidoo kale waxaa lacago ku deeqay qaar ka mid ah maamul gobolleedyada oo dhaqaale ay iska oo ururiyeen sheegay in ay ku wareejinayaan guddiga howlan u gurmashada dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii Zoobe.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Qaraxii Zoobe ay ka danbeeyeen sida uu hadalka u dhigay dad bulshada Soomaaliyeed ka tirsan oo raba ayuu yiri in shacabka la baabi’iyo, sidaa daraadeed waxaa ugu baaqay dowladda iyo shacabka intaba in loo istaago sidii arintaan looga hortagi lahaa.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6242
LATEST NEWS