October, 05-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Micheal Keating oo ah Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah socdayna mudo saacad ah ayaa dhinacyadan waxa ay kaga wada hadleen arrimo fara badan oo la xiriira xaalada iyo hormarinta Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Maxamed Cabdi Waare hogamiyaha maamulka Hirshabeelle iyo Micheal Keating ayaa si gaar ah uga wada hadlay kalinta sharciga, Ammaanka, Kaabayaasha dhaqaalaha, bixinta adeegyo bulsho.

War kooban oo Micheal Keating uu ku soo qoray Twitter-kiisa ayuu ku sheegay in Qaramada Midoobay ay sii xoojineyso taageerada ay siineyso Dowlad goboleedka Hirshabeelle, si loo gaaro hormaro la taaban karo.

Sidoo kale Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa cadeeyay in ay la dhacsan yihiin hanaanka Maamul oo uu ku shaqeynayo maamulka Hirshabeelle.

Ugu dambeyntii hoganka maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa uga mahad celiyey Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hirshabeelle.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6200
LATEST NEWS