October, 05-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa degaanadooda waxa ay ka mamnuuceen Gaadiidka leh muraayadaha Madow, kadib war ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada maamulkaasi

Taliyaha Ciidamada Booliska maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna C/wahaab Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in maamulka uu soo saaray sharci mamnuucaya in degaanada maamulka lagu dhex kaxeeyo Gawaarida leh muraayadaha Madow.

C/wahaab Sheekh YuusufTaliyaha Ciidamada Booliska maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa ujeedka amarkan ku sheegay in uu yahay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka guud ee degaanada maamulka.

“Waxaan halkan fariinta ugu horeysa inaan u gudbiyo gaadiidleyda hadii uu yahay gaadiidka yar iyo kuwa waa weyn ee isticmaala bacda Madow, in wixii hada ka dambeeya laga laga mamnuucay degaanada maamulka.” Ayuu yiriTaliye C/wahaab.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6279
LATEST NEWS