September, 17-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay hogaanka cusub ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Awaare.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu soo dhaweeyay ay u dhacday doorashada Hirshabeelle, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka.

Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay dhammaan bulshada Hirshabeelle in ay ka wada shaqeeyaan taaba-galinta iyo hana-qaadka maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.

‘’Waxaan Alle uga baryaayaa, hoggaanka cusub ee Hirshabeelle, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla, oo ay ka mid tahay dar-dargalinta dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta amniga iyo dhamaystirka dhismaha maamulka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhamaystirka nidaamka faderaal, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada dalka.



xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6273
LATEST NEWS