September, 12-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Maamulka Somaliland ayaa diiday amarro ay soo rogtay Sharikadda DPWorld ee maamusha dekadda Magaalada Berbera.

Sharikadda DPWorld ayaa amartay in dadka tagaya Dekadda Berbera ay xirtaan Kabaha waaweyn ee Miltariga,Koofiyad Bir ah oo midda shaqada adag lagu qabto ah iyo Jaakad calaamad u noqoneysa shaqaalaha Dekadda Berbera.

Saddexda amar ayey ka biya diideen Ganacsatada Berbera wax kala soo dega in ay fuliyaan,waxaana ay ku dacweeyeen Maamulka Somaliland oo isna ku raacay dacwaddii Ganacsatada Berbera.

Ganacsatada ayaa ku doodaya in aysan iyagu u shaqeyn Sharikadda DPWorld ee ay beddelkeeda yihiin Ganacsato Canshuur bixiyayaal ah.

Wararka laga helayo Wasiirrada kala ah Wasiirka wasaaarada Hawlaha Guud Cali Mareexaan, Wasiirka Amniga Maxamed Muuse Diiriye iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Axmed Xashi Waxaay Sheegaysaa In ay Kulamo Gaar Gaar Ah La Qaateen Gancsatadii iyo Bulshadii Ku Xirnayd Dekadda iyo Masuuliyiinta Shirkada DP World Ee Gacanta Ku Haysa Mamulka Dekada Berbera,

Wasiiradan Xukuumada Ka Socday iyo Gudoomiyaha Gobolka Oo Wehelnaayay Ayaa Ilo Xog Ogaal ah Sheegayan In Aay Madaxda Shirkadan Ee fadhigoodu Yahay Berbera Aay Gacanta Ka Galiyeen Bushqad Xiran Oo Madaxwayne Axmed Siilaanyo Usoo Qoray.

Masuuliyiinta Shirkadan Ee Mamusha Dekada Berbera, Taas Oo Nuxurkeedu Ahaa Arrimaha Dhextaagan Ganacstada iyo Shirkadan Carbeed,

Waxaana Wararku Intaa Ku Darayaan In Masuuliyiiinta Dp World Berbera ay Ka Cudur Daarteen In anay Fulin Karin Waxa Ku Qoran Warqadan Laakiin ay Udiri Doonaan Xafiiskooda Dubai Oo ay Amarada Ka Qaataan, Sidaa Daraadeed La Sugo Jawaabta Kasoo Noqota Xafiiska Dubai Ee Shirkadan Dubai Port Aay Ku Leedahay DUBAI.


xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6164
LATEST NEWS