June, 23-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Ciidamada xasilinta caasimada ayaa Maanta howlgalo xoogan ka wada degmooyin badan oo kamid ah Gobolka Banaadir gaar ahaankuwo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya

Degmooyinka howlglada xoogiisa ay ka socdaan waxaa kamid ah ;Hodan, Waaberi,Shangaani, shibis, yaaqshid iyo Boondheere, Ciidamada ayaa xirtay wadooyinka qaar una diiday iney maraan gawaarida iyo meelaha qaar oo laga hor istaagay Shacabka.

Wadada dheer ee Maka Al-Mukarama ayaa loo diiday iney gawaarida ka soo koraan Isgoysyada Dabka Taleex iyo KM4, Waxaa loo ogolyahay oo kaliya Gawaarida ku timaada Jidka dheer ee Banaadir.

Ciidamada Howlgalka wada ayaa dhulka udajinaya dadka Shacabka ah ee gawaarida saaran, waxaana la marsiinayaa baaritaano xoogan si loo xaqiijiyo amniga caasimada oo Sideed cisho gudeheed ay ka dhaceen 3 Qarax oo xoogan.

Ciidamada howlgalka wada ayaa sidoo kale dib wadooyinka qaar uga celinaya Gawaarida yaryar ee wadayaashooda aysan wadan Kaarka aqoonsiga.

Inkastoo howlgaladaas xoogan ay socdaan horayna loo xiray jid cadayaasha soo gala laamiga ayaa hadana waxaan wali laga baaqsan Qaraxyada ay wadaan dadka kasoo horjeeda dowlada ay ka geysanayaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xarumaha iyo Saldhiyada degmooyinka Gobolka Banaadir.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6075
LATEST NEWS