June, 20-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Wasiirka Amniga Xukumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo Saxafadda kula hadlay Magaalada xamar ayaa ka hadlay Wadooyinka Jid Caddeyaasha ah ee Maalmihii dambe ay xirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Islow ayaa Xusay in Sababta loo xiray Wadooyinka Jid Caddeyaasha ah ay tahay Sabab Amni islamarkaana markii Howlgalada socda la soo gaba gabeeyo la furi doono.

“Waxaan u Xirnay Sabab amni Ciidamada Ammaanka waxaa ay Xaqiijiyeen Ammaanka Wadooyinka Laamiga ah,waxaa kuwa wax dila ay ku soo dhex dhuuntaan xaafadaha iyo Wadooyinka dhex mara,marka si loo badbaadiyo Nafta Dadka Shacabka ah ayey dowladda u xirtay Wadooyinkaas,waxaana ku rajo weyn yihiin in dhawaan aan Furno Wadooyinka,waxaana Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay Dul qaataan”ayuu yiri Wasiir Maxamed Abuukar Isloow.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6075
LATEST NEWS