June, 20-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
xamarradio.com

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanka uu is difaaci doono ka dib markii Ruushka uu ku dhawaaqay inuu bartilmaameedsan doono diyaarad iyo Drone walba oo soo gasha bartilmaameedkooda.

Ruushka ayaa ka caroodey diyaarad nooca dagaalka ah oo Suuriya lahayd oo Mareykanku uu soo ridey .

Ruushku waxaa kale oo uu sheegey in dhamaan uu joojinayo wadashaqayntii uu la lahaa Mareykanka ee ka hortaga shilalka hawada Suuriya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa u sheegay Maraykanka in ay ixtiraamaan madaxbanaanida dhuleed ee Suuriya, ayna ka fogaadaan tallaabo hal dhinac ah.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii maalintii axada ay soo rideen xullafada Maraykanka diyaarad dagaal oo dowladda Suuriya ay leedahay.

Maraykanka ayaa sheegay in diyaaraddaasi la riday ay duqeysay jabhad la dagaalanto kooxda isugu yeertay dowladda Islaamka.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6075
LATEST NEWS