June, 19-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Dowladda Ingiriiska ayaa taageerradeeda dhinaca gurmadka abaaraha ah ku dartay lacago kale kaddib markii Magaalada xamar ay soo booqatay Xoghaya horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska Priti Patel. Priti Patel,waxaa ay xamar kulan kula qaadatay Hay’adaha samafarlka iyo wakiillo ka socda Dowladda Soomaaliya,waxaana ay xustay in Dolwadda Ingiriiska ay ka go’antahay in laga baxo abaarta ka jirta Soomaaliya kaalinteedana ay qaadaneyso. Waxaa ay intaas ku dartay in Dowladda Ingiriiska ay dalalka kale ee Caalamka ah kula taliso in ay ka qeyb qaataan dadaallada lagu dhimayo abaarta Soomaaliya islamarkaana ay ka codsato in ay ka qeyb qaataan waxka qabashada abaaraha Soomaaliya. Waxaa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya qudheeda ay xoogga saartay ka hortagga Abaaraha islamarkaana ay dejisay Siyaasado la xiriira wax ka qabashada abaaraha,taas oo ay dowladda Ingiriisku la dhacsan tahay. Waxaa ay kulan kula qaadatay Muqdisho Wakiilka Qaramada Midoobey ee Gargaarka,ku xigeenkiisa,wakiillada kale ee Hay’adaha ka shaqeeya samafalka iyo Danjiraha UK ee Soomaaliya David Concar.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6075
LATEST NEWS