June, 19-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
hogaaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca uu u biloowday Wada-hadal hoose oo aan Toos aheyn islamarkaana uu rajeynayo in wada-hadaladaasi ay miro dhalaan

Axmed Ducaale Geelle hogaamiyaha Galmudug ayaa Xusay in aysan hadda jirin Wada-hadalo Toos ah oo u dhexeeya Labada Maamul,balse ay socdaan kuwo Hoose oo la doonayo in Labada Dhinac ay iskugu soo dhawaadaan.

Bishii April ee Sanadkaan ayey aheyd markii Ay Burbureen Wada-hadalkii Galmudug iyo Ahlusunna ee Dowladda dhexe ay garwadeenka ka aheyd,waxaana Doorashadii Galmudug Axmed Ducaale uu sheegay in Muhiimadda Kowaad uu siin doono Wada-hadal uu la galo Ahlusunna.

hogaamiyaha Galmudug ma sheegin Waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo Wada-hadalka Tooska ah ee Galmudug iyo Ahlusunna,waxaana Wada-hadalsiinta Ahlusunna iyo Galmudug in ay Biloowdaan qeyb ka ah Urur Goboleedka IGAD iyo Xafiiska QM ee Arrimaha Soomaaliya.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5989
LATEST NEWS