June, 15-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Stephen Scalise oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka ayaa lagu toogtay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, oo dhinaca koonfureed waxyar ka xigta magaalada Washington DC, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka deg degga ah.

Scalise ayaa waxaa laga toogtay sinta, xilli isaga iyo xubno kale oo ka tirsan sharci dejinta Mareykanka ay isku diyaarinayeen cayaar baseball oo sanadle ah oo la qorsheeyey inay khamiista dhacdo. Waxaa la sheegay in xaaladdiisu tahay mid degan.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof oo kale la dhaawacay. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ka mid ah kaaliyaha Scalise iyo xubno ka shaqeeya xarunta congress-ka ee Capitol Hill.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaareen rasaas ay booliiska ku fureen.

“Waxaan aad uga walaacsanahay musiibadan. Waxaa qalbiyadeena iyo ducadeenu la jirtaa xubnaha congress-ka, shaqaalahooda, booliska Capitol iyo dadka caawinaya” ayuu Trump ku sheegay bayaan uu soo saaray.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6194
LATEST NEWS