June, 15-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
Ugu yaraan laba ka mid ah Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa ku dhintay in ka badan shan kalane waa ay ku dhaawacmeen kadib Dagaal Al-shabaab iyo Dowladda Soomaaliya ku dhex-maray duleedka Degmada Balcad ee G/Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada Dhaawacyada ah ayaa la soo gaarsiiyay Isbitaalka Keysanay ee Magaalada xamar Waxaana ku jira kuwa ay Xaaladooda tahay Mid aad u liidata sida ay noo sheegeen Saraakiisha Caafimaadka.

Ciidanka dhaawacyada ah ee la soo gaarsiiyay Isbitaalka Keysanay ayaa la sheegay in uu ku dhintay Gudaha Isbitaalka taas oo tirada Guud ee dhimasho ka dhigaysa ilaa 3 qof oo Ciidanka ka tirsan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nuuca uu ahaa weerarka iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Gaari ay wateen Ciidamada Dowladda uu haleelay Qoriga Culus ee Baasuukaha halka wararka qaarna ay sheegayaan in uu gaariga haleelay Qarax Miino oo dhulka la giliyay.

Gudoomiyaha Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Cusmaan Xaadoole oo aan la xariirnay ayaa noo suurta gali weysay in aan qadka ku helno si aan wax uga weydiino Dagaalkaasi.

Sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabeelle iyo Al-shabaab oo ku Saabsan Dagaalkii saakay ka dhacay duleedka koofureed ee Degmada Balcad G/Shabeelaha Dhexe.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6075
LATEST NEWS