May, 17-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
xamarradio.com

Sida ay v o d u sheegeen maamulka gobolka Hiiraan dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Maleeshiyo beeleed ayaa manta ka dhacay Xaafadda howlwadaag ee Magaalada Baledweyne .

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ahaa mid xoogan , islamarkaana hubka noociyadiisa kala duwan la isku adeegsanaayay.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada dowladda Soomaaliya ay isku dayeen in ay halkaasi ka dhisaan Saldhig,islamarkaana Maleeshiyaadka ay ka horyimaadeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay howlgallo ka dhan ah Koox lagu magacaabo Westland oo dhibaato ku heysa Shacabka kunool Magaalada Baledweyne.

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Cusmaan Xuseen Cali ayaa v o d u sheegay in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in howlgalku uu soo dhaamaday haddana ay xaaladu degan tahay.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6194
LATEST NEWS