April, 19-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ku dhawaad 5 kun oo Soomaali ah laga soo tarxiili doono dalka Mareykanka ,islamarkaana lagu soo celin doono Soomaaliya. Brendan Raedy, afhayeenka ICE, waaxda fulinta arrimaha socdaalka iyo kastamka ayaa sheegay laga soo bilaabo 1-dii bishan April, 2017 ilaa 4,801 oo Soomaali ah ay heleen amarkii u danbeeyay ee dalka looga soo saari lahaa. Afhayeenka ayaa sheegay in isla wakhtigaasi 237 qof oo Soomaali ah dib loogu celiyay Soomaaliya. Warkan ka soo baxay ICE ayaa xaqiijinaya macluumaad uu VOA hore ugu sheegay safiirka Soomaaliya ee Maryakanka Axmed Ciise Awad oo isagu sheegay in safaaradda ay oggaatay in hay’addaha socdaalka Maraykanku ay qorsheynayaan inay masaafuriyaan ilaa 4 kun oo Soomaali ah oo imika ku nool Maraykanka. Afhayeenka ICE ayaa sheegay in dadkan intooda badan ay danbiyo galeen, isla markaana ay ICE sii wadayso inay diirada saarto shaqsiyaadka halista ku ah amniga qaranka, badbaadada shacabka iyo waliba amniga xuduudaha. Radio xamar
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6023
LATEST NEWS