April, 19-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
amisom
Ciidanka AMISOM ayaa bur buriyay qeyb ka mid ah Warshadda Dharka Bal-cad ee Gobolka Shabeellaha dhexe,waxaana ku dhacay gaari ay wateen. Kolonyo ka mid ah Ciidanka AMISOM oo marayay gudaha Degmada Balcad,ayaa gaari ka mid ah uu ku dhacay dhismaha Warshadda Dharka ee Degmadaas. Ciidanka AMISOM ayaa intaas kaddib diiday in ay la hadlaan shaqaalaha Warshadda ku sugan oo muddo gacanta ku hayay,waxaa ay sidoo kale diideen in ay la hadlaan Maamulka Degmada Balacd,sidaas ayeyna ku baxsadeen. Qof ka mid ah Shaqaalah Warshaddaasi oo ilaa Bur burkii gacanta ku hayay ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in Gaariga AMISOM uu dumiyay ilaa 10Mitir Darbi ah Ciidanka AMISOM-na au isaga tageen kaddib markii ay dhibkaas geysteen. Shaqaalaha Warshadda Dharka Balcad ayaa dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabeelle ugu baaqay in ay arrintaas wax ka qabtaan Magdhowga Warshaddana ka qaadaan AMISOM. Ciidanka AMISOM ayaa maalmahan caadeystay in ay cararaan marka ay shil geystaan,waxaana ugu dambeeyay wiil Dhallinyaro ah oo dhawaana y ku jiireen Isgoyska Sanca iyaga oo baxsadayna ay dad shacab ah ku celiyeen Isgoyska Siinaay,halkaas oo lagu xitray Wadihii gaariga ilaa haddana ku jiro Xbsiga dhexe ee Xamar. radio Xamar
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6023
LATEST NEWS