April, 19-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Magaalada Xamar waxaa ka socota Munaasibad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gurmadka iyo maareynta Musiibooyinka taas oo lagu daahfurayo xarunta qaran ee isku dubaridka gargaarka. Munaasibaddan waxaa ka qeyb gelaya Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya,xubno ka mid ah golaha wasiirrada sida wasiirro,ku xigeenno,wasiiru dowlayaal iyo Xildhibaanno,waxaa kale oo madasha ku sugan Deeqbixiyayaasha Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya. Wasiiradda Gurmadka iyo maaareynat Musiibooyinka oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in sababta loo furay xaruntan ay tahay kaddib markii isbar baryaac lagu arkay howlaha gurmadka deg degga ah ee ka socda dalka ujeedaduna tahay in la mideeyo gargaarka si loo tashiilo loona gaarsiiyo dadka u baahan. Ra’isalwasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ay garab taagan tahay guddiga gurmadka Abaaraha xaruntanna ay uga faa’ideysan doonaan isku xirka gargaarka loo sameynayo dadka ay abaaruhu sameynta taban ku yeesheen
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5947
LATEST NEWS