April, 18-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Madaxweynaha maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Sheekh maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa saraakiisha ku jirta Maamulkiisa ka mamnuucay in ay ka hadlaan warbaahinta. Qaar ka mid ah Saraakiishaas oo la hadlay Idaacadda vod radio xamar ayaa sheegay in hogaamiyaha maamulkaasi uu dhamaan Saraakiisha Maamulkiisa amar ku siiyay in aysan la hadli karin Warbaahinta inta ay ka dhamaanayaan wadahadallada Maamulkiisa iyo Maamulka Galmudug oo la filayo in ay dhawaan xamar ka furmaan. Saraakiisha nala hadashay ayaa sheegay in arrintan ay ka dambeysay kaddib markii ay soo baxeen warar badan oo tashqiish gelinaya wadahadallada lagana qorayo wadahadallada u dhaxeeya Galmudug iyo Gobollada dhexe. Sheekh Maxamed Shaakir iyo Saraakiisha la socota ayaa xalay kulan la qaatay Ra’isalwasaarah Soomaaliya waxana ay u gudbiyeen codsi ku saabsan in Dowladda Soomaaliya aysan Guddiga ku darin dad ay sheegeen in colaad ay ka geysteen Dhuusamareeb iyo Guraceel.








radio xamar
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6023
LATEST NEWS