April, 18-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
sawirka waa la soo qaaday
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxay Gaari ay la socdeen Dad shacab ah oo ay rasaaseeyeen Ciidamada AMISOM. Gaarigan ayaa waxaa ay ciidamada AMISOM ku rasaaseeyeen Deegaanka Ceelasha Biyaha waxaana Khasaaro kala duwan uu ka soo gaaray Dadkii saarnaa Gaarigaas. Inta la xaqiijiyay Ilaa iyo 4 ruux ayaa ku dhaawacantay Rasaasta ay Ciidamada AMISOM ku fureen Gaarigaasi dadka shacabka ah ay la socdeen. Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Ciidamada AMISOM ay diideen in goobta laga qaado dadkii rayidka ahaa ee ay ku dhaawaceen rasaasta ay ku fureen Gaari shacab ah. Ilaa hadda lama oga sababta ka damebysa in Ciidamada AMISOM ay rasaaseeyaan Gaari ay saaranyihiin Dad sahcab ah islamarkaana ay diidaan in dhaawacyada la qaado. AMISOM ayaa mudooyinkii u dambeyay waxaa ay kordhiyeen Tacadiyada kala duwan ee ay kula ka cayaan Dadka shacabka ah

radio xamar
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5945
LATEST NEWS