April, 18-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii hal maamul loogu sameyn lahaa gobollada dhexe ee dalka,waxaana ay hadda magalada xamar ka waddaa qaban qaabada shir dib u heshiisiin iyo saami wadaag siyaasadeed ah oo dhexmaraya labada Maamul. Ra’ilsawasaaraha Soomaaliya ayaa labo ka mid ah golihiisa wasiirrada u xil saaray dhameystirka wadahadallada Galmudug iyo Ahlu Sunna uga furmaya xamar . Dowladda Federaalka waxaa ay horay u casuuntay madaxda labada dhinac kuwaas oo hadda ku sugan xamar lana filayo in uu wadahadal u billowdo Caawa ama berry oo Arbaco ah. Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa iyo Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa loo xil saaray dhameystirka wadahadallada Galmudug iyo Ahlu Sunna waxaana la filayaa in ay kulamo gooni gooni ah kula yeeshaan Muqdisho Caawa ilaa manta iyada oo berry ay u badan tahay in ay rasmi u furmaan. Dowladda Federaalka ee cusub ayaa isku dayeysa in ay dhameyso is fahamwaaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Mamaullada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo hadda la doonayo in la isugu geeyo hal maamul. Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa iyo Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa loo xil saaray dhameystirka wadahadallada Galmudug iyo Ahlu Sunna waxaana la filayaa in ay kulamo gooni gooni ah kula yeeshaan Muqdisho Caawa ilaa manta iyada oo berry ay u badan tahay in ay rasmi u furmaan. Dowladda Federaalka ee cusub ayaa isku dayeysa in ay dhameyso is fahamwaaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Mamaullada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo hadda la doonayo in la isugu geeyo hal maamul.



COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5888
LATEST NEWS