March, 20-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Madaxtooyada Dalka Kenya ayaa ka warbixisay booqashada booqashada uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo ku tagayo dalka Kenyua Khamiista soo socota. Afhayeenka Madaxtooyada Kenya oo todobaadkiiba mar Warbaahinta siiya xogta todobaadka soo socda ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhaceyso khamiista soo socota sidoo kalena Magaalada Nairobi uu Madaxweyne Farmaajo uga qeyb gelayo shirka Qaxootiga ee IGAD,kaas oo madaxda IGADna ay ka qeyb geli doonaan. Booqashada Farmaajo ayaa ah middii Labaad oo uu Dalka kaga baxayo tan iyo markii La doortay 8-dii Bishii February ,waxaana Booqashadii Koowaad uu ku tagay Wadanka Sacuudiga. Maalin ka hor ayey aheyd Markii Madaxweynaha Kenya uu Booqasho Qarsoodi ah ku yimid Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Degmada Dhoobley,waxaana uu halkaas kula kulmay Ciidamo Kenyan ah,inkastoo la sheegay in Dowladda Federaalka ay ka Carootay Booqashadaas Qarsodiga ah ee Uhuru Kenyatta
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6200
LATEST NEWS