March, 19-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Boqolaal ka mid ah Kooxaha Kurdiyiinta ah ayaa Banaanbax weyn oo ay kaga soo horjeedaan madaxweynaha dalka Turkiga waxa ay ka dhigeen magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka. Kooxaha Kurdiyiinta ayaa kasoo horjeeda Aftida dhawaan loo qaadi doono dastuurka dalka Turkiga oo lagu wadaa in ay Shacabku Haa ugu codeeyaan si uu awood badan u yeesho Madaxweynaha dalka Turkiga. Qaar badan oo dadka bannaan baxayey ka mid ah ayaa sitey calaamado iyo calamada xisbiga la mamnuucay ee PKK , waxaana dowladda Turkiga ay dowladda Jarmalka ay ka codsatay in dadkaasi dib loogu soo celiyo Turkiga sii wax looga weydiiyo Banaanbaxyada ay dhigayaan. Xukuumadda Ankara ayaa cambaareeyey bannaan baxaan oo ay ku tilmaamtay wax aan la qaadan karin. Ibrahim Kalin oo ah Afhayeenka Erdogan ayaa sheegay in Xukumadda Jarmalka ay qaaday tilaabo cirka kusii shareerikarta Xiisada u dhexeysa Turkiga iyo Yurub.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6200
LATEST NEWS