March, 18-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan,ayaa bisha April ee soo socota imanaya Magaalada Xamar,waxaana lagu wadaa in uu xarigga ka jaro Saldhig ay Dowladda Turkiga ka dhisatay Xamar. Saldhiggan oo lagu sheegay midka ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan Dalkiisa ayaa waxaa loogu talagalay in lagu tababaro Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Qaaradda Afrika ee Turkiga xiriirka la leh. Madaxweyne Erdogan waxaa Safarkiisa ku wehliya Taliyaha Guud ee Ciidanka Turkiga Jeneraal Hulusi Akar,waxaana ay rasmiyan xarigga uga jari doonaan Saldhiggan oo la dhiosayay tan iyo 2015kii. Dhismaha Saldhiggan oo bed ahaan gaaraya 400 oo Hegtar waxaa ku baxday lacag dhan $50 Milyan oo Doollar waxaana markiiba lagu tababari karaa Askar gaareysa 500 oo Askari. Saldhiggan ayaa ka kooban 3 dugsi Tababar,Isbitaallo iyo bakhaarro lagu keydiyo agabka ay u baahanyihiin Ciidamada joogaya iyo kuwa la tababarayo.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6279
LATEST NEWS