March, 17-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xubin ka ah Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran ee dalka ayaa sheegay Beesha Caalamka in ay ka gaabiyeen wax ka qabashada Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran ee dalka ayaa sheegay in aysan weli muuqan Doorka xubnaha Beesha Caalamka ay ka qaadanayaan Abaaraha.

Sidoo kaleSheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay Beesha Caalamka in ay balan qaadeen lacago, balse ilaa iyo hada aysan jirin lacag soo gaartayGuddiga Gurmadka Abaaraha heer Federaal.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay u soo gurmadaan walaalahooda dhibaateysan, si loo bad baadiyo dadka dhimanaya.

Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya oo isu bedelay maccluul, ayaa waxay dadka bilaabeen in ay macluul ugu geeriyoodaan degaanada miyiga, Dadka ay Abaaruhu saameeyeen oo u badan Beeraley iyo xoolo dhaqato, ayaa wixii ay haysteen waxaa ay ku waayeen Abaaraha.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5888
LATEST NEWS