March, 17-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
XAMARRADIO.COM

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Qoyskiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo xubno kale oo saaxiibo dhow la ah Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qoyskiisa ayaa maanta waxa ay ka ambabaxeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada xamar ee caasimadda Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ayaa warbaahinta u sheegay Diyaarad qaas ah in Xasan Sheekh iyo Qoyskiisa ay ka qaaday Garoonka Aadan Cadde, iyaga oo uu kii sii jeeda Dalka Turkiga oo ay degan yihiin Qoyskiisa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weligiisa ahaan doona Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la filayaa in Magaalada xamaruu ku soo laabto mudo kooban kadib marka uu nasiino ku soo qaato Turkiga.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa 16-kii Febraayo ee sanadkan si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub ee 8-dii Febraayo lagu doortay magaalada xamar, Doorasho taariiqi aheyd.

Madaxweynayaashii xilalka banneeyay ayaa dhammaantooda degaan ka dhigtay dalal dibadda ah, iyadoo aanu jirin Madaxweyne ku negaaday dalkiisa kadib markii uu xilka wareejiyay.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5888
LATEST NEWS