March, 16-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Qoysaska Shaqaale u dhashay Waddanka Sri Lank oo lagu heysto Biyaha Soomaaliya ayaa codsaday in la siidaayo SHaqaalaha iyo markabka ay heystaan koox Soomaali ah oo sheegay in aysan Burcad Badeed ahayn ee ay yihiin kalluumeysato lagu qasbay afduubka Markabkan. Qoysaska Reer Sri Lank,ayaa sheegay in ay codsi u dirayaan Ragga Soomaalida ah ee Biyaha Soomaaliya ku heysta Markabka wada Shidaalka ee ku xiran agagaarka Degmada Caluula ee Gobolka Bari. Namali Makalandawa; oo ah Gabar la dhalatay Ninka ugu sarreeya Shaqaalaha saaran Markabka oo lagu magacaabo Premnath Ruwan Sampath,ayaa waxaa ay sheegtay in ay Qoyasaska la xiriireen Sharikadda uu u raranyahay markabka kuwaas oo ay xaruntooda tahay Dubai,kana jawaabi waayeen Taleefannadii ay u direen. Waxaa ay tiri ” Cabsida ayaa nagu sii kordheysa,kuna baaheysa quluubteenna,ma heyno xiriirka Kooxda heysata iyo shaqaalaha midkoodna,wax badan kalama soconno xaaladdooda ,waxaan u ba qeynaa nolosha kuwa aan jecelnahay “. Ehellada Dadka Saaran Markabka lagu hayo Caluula ayaa waxaa ay shalay la kulmeen Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka ay ka soo jeedaan ee Sri Lanka ,waxaana ay ka codsadeen in ay ka shaqeeyaan sidii loo badbaadin lahaa nolosha la heystayaasha u dhashay dalkaas. Saraakiisha Midowga Yurub ee Biyaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay ka xiriireen kooxda heysata Markabka,waxaana ay u sheegeen in ay ku hayaan 13 shaqaale ah Markabkana uu ka babbananayo Calanka Dalka Comoros.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5812
LATEST NEWS