November, 01-2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Xamarradio.com
Madaxwaynaha J.F ee Soomaaliya Md: Xasan Sheekh Max’uud ayaa Hambalyo u diray Naadiga Kubadda Cagta ee Howlaha Guud (L.L.P.P) Jeenyo oo dhawaan ku guulaystay hanashada koobka Janaraal Daa’uud.Madaxwanaha ayaa u rajeeyay dhamaan Cayaartoyda Soomaaliyeed in ay horumar ka gaaraan Sportiga qaybahiisa kala duwan, si ay sumcad iyo magac ugu soo hooyaan dalkooda iyo dadkooda.

Guusha kooxda jeenyo ayaa waxay ka danbaysay kadib Ciyaar Xiiso badan lahayd ee finalka Koobka Jeneraal Daa’uud ku dhexmartay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium Labada Kooxood ee kala ah Banaadir Sports Club iyo LPP Jeenyo maalinimadii Axadda eek u beegnayd 30/10/2017ka.

Labadan Naadi oo ay ka dhaxeyso xifaaltan aad u xiisa badan ayaa waxay labaduba soo badnhigeen cayaaro aad u xiisa badan, iyadoo naadiga Banaadir Sports Club ay u suuragashay in ay dhaliso qaybta hore cayaarta labo gool, waxaana qeybta hore lagu kala nastay 2-1 oo ay ku hogaaminaysay kooxda Benaadir.

Marka la isku soo laabtay cayaarta ayaa Naadiga LLPP Jeenyo ay soo bandhigtay cayaar aad u xiisa badan, waxaana u suuragashay in ay ciyaarta bar bar dhac ka dhigaan, waxaana ay cayaarta ku soo idlaatay bar bar dhac 2-2.

Si labadan kooxood loo kala saaro ayaa waxaa loo dhigay intaa Gool kulaad.Kooxda Jeenyo ayaa ku Adkaatay Gool Kulaadkii 4- 2 ,waxaana sidaa Koobkii Jeneraal Daa’uud ku qaaday LPP Jeenyo.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6155
LATEST NEWS