September, 14-2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Xamarradio.com
Dowladda Canada ayaa ka fiirsanaysa in ay wax ka badasho nidaamka aqbalid-da dadka soo galootiga ah ,waxaana bisha November lagu wadaa in tiro badan ay ogolaansho u helaan ku noolaanshaha gudaha dalkaas.

Wasiirka soo galootiga John Mccallum oo ka hadlayay shir barlamaanka Canada ay ka yeesheen arinta qaxootiga ayaa sheegay in xubno badan oo dowladda ka tirsan ay soo jeediyeen in qaxootiga si gooni ah loola tacaalo.

Qarshaha dowladda ee sanadkan ayaa hoosta ka xariiqaya in wadanka daganaansho ay ka helaan 300,000 oo qof oo soo galooti ah oo ay ku jiraan 80,000 qof oo lagu wado in ay dib ula midoobaan qoysaskooda oo ku nool Canada.

Sanadkii 2014-ka Canada ayaa aqbashay qaxooti dhan 260,404 qof ,kuwaasi oo 7% ka ah bulshada guud ee Canada ,waxaana xog uruurin laga sameeyay Canada ay soo jeedisay in dowladdu ay sanadka 2017-ka qaadato tiro ka yar inta la hadal hayo ,halka 16% kiiba ay so jeediyeen in tirada qaxootiga ah la kordhiyo.

Ugu danbayn,wasiirka ayaa balan-qaaday in la shaacin doono wax ka badal lagu sameeyay qorshe kmg ah oo lagula dhaqmo ajaanibta ka shaqaysata gudaha dalkaasi ,waxaana uu timaamay in ay sugayaan warbixin ay dowladdu sii dayn doonto oo la xiriirta barnaamijka dadka muhaajiriinta ah.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6239
LATEST NEWS