February, 10-2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
AMISOM ayaa ka digtay weeraro Al-Shabaab ka geystaan goobaha ay maamulaan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, iyagoo isu ekeysiinaya, isla markaana isticmaalaya dareyska Ciidamada AMISOM

War lagu qoray barta Twitterka ah ayaa lagu sheegay in AMISOM warbixin ku heshay qorshayaal Al-Shabaab ku doonayaan inay weeraro , iyagoo iska dhigaya inay yihiin AMISOM.

AMISOM ayaa sheegtay in Al-habaab ay dooneyso in weerarada u isticmaasho dareyska ay leeyihiin Ciidamada, kadib markii dhowaan la sheegay in xeryaha AMISOM ka qaateen dareys iyo agab kale.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay doonayaan in iyagoo isu ekeysiinaya ay shacabka waxyeelo geystaan

Al-Shabaab ayaa dhawaan weerar culus ku qaaday Xero Ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay ka qaateen saanad ciidan, dareys iyo Agabyo kale.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5987
LATEST NEWS