January, 25-2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Gudoomiyaha degmada Garbo haareey ee caasimada gobolka Gedo Nuur sheikh Maxamed Buraale oo u waramay idaacadda VOD Radio Xamar ayaa xaqiijiyay in qoysas badan oo ka barakacay duqaymaha diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geysanayaan gobolka gedo in ay gaareen Magaalada Garbo Haareey ee xaarunta gobolka Gedo

Waxana intaas uu ku daray in dadkaas gurmad deg deg ah ay u baahan yihiin.

duqaymaha diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geysanayaan gobolka Gedo ayaa saameeyn ku yeeshay dad tiro badan, iyada oo dadka ku nool degaanada duqaynta ay ka socoto ay ku nool xaalado adag oo dhinaca nolasha ah islamarkaana ay ugu weyn tahay biyo la,aan ka jirta degaanadooda waxana Gudoomiyaha Magaalada Garbo Haareey ee gobolka Gedo Nuur sheekh Maxamed Buraale codsaday in gurmad deg deg ah qoysaskaasi lala soo gaaro.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5873
LATEST NEWS