January, 25-2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Ka dib Kulan maanta ay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ayay uga hadleen Duqeynta Diyaaradaha Kenya ay ka wadaan Gobolka Gedo Ee,iyagoo Qarara ka soo saaray Duqeyntaasi.

Kulanka maanta ayaa waxa Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad,waxana wax yaabihii kulankaas looga dooday ka mid in Kenya ay Deg Deg u joojiso Duqeynta iyo in Guddi Xaqiiqo raadin ah loo diro Gobolka Gedo oo u kuur gala Xaalada Gobolka Gedo.

Sidoo kale xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid inuu baarlamaanka hor yimaado ugu dambeyn ilaa 30-ka Bishaan si wax looga weydiiyo Duqeynta Kenya ay ka wado Gobolka Gedo.

Duqeymaha diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka wadaan Gobolka Gedo ayaa la sheegay in ay ku dhinten Dad badan oo Rayid ah,iyadoo sidoo kale Dad kale iyo Xoolo ay waxyeelo ka soo gaartay.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5872
LATEST NEWS