January, 25-2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamo isugu jira Milatari,Nabadsugid iyo Boolis ayaa Maanta baaritaano ka sameeyee qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe,halkaasi oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Howlgalkan ayaa ahaa mid guri guri ay ciidamadu u galayeen xaafadaha magaalada Jowhar,waxayna ka soo saarayeen dhalinyarada iyo dadka looka shaki san yahay in ay Amaanka qal qal gelinaayaan.

Ciidamada ayaa xabsiga dhigay illaa labaatameeyo ka mid ah dhalinyarada ay soo qabteen iyadoo dhalinyaradaas su’aalo la weydiinayo.

Howlgaladaan oo kaleayaa ciidamada inta badan waxay ka sameyn jireen degmooyinka gobolka Banaadir , balse tani waana arrin ku cusub shacabka magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa waxa ku sugan Madax ka Tirsan dawlada Federaalka iyada oo uu ka socda shir Maamul loogu sameynaayo gobolda Hiiraan iyo shabeelaha dhexe

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5989
LATEST NEWS