January, 22-2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday maqaayad ku taalo xeebta Liido oo lagu magacaabo Liido Sea Food.

M.r Michael waxa uu sheegay in uu ka xun yahay waxa dhacay,islamarkaana si aad ah u cambaareynayo,isagoo hadalkiisa intaasi ku daray in dareenkiisa uu la jiro Shacabka iyagu ku sugnaa maqaayada weerarka lagu qaaday gaar ahaan kuwa waxyeelada soo gaartay.

Dadka dhintay oo ka badan 20-ruux ayaa waxaa la sheegayaa iney ku jiraan carruur iyo Haween iyagu ehal isu ahaa oo maqaayada u damaashaad tagay,kuwaasi haleeshay rasaasta iyo qaraxyada ay fulinayeen raggii weerarka ku qaaday maqaayada

Dad badan ayaa ka badbaaday weerarkas iyadoo dhaawac uu ka soo gaaray wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka Tirsanaa wariyayaasha laanta Afka Soomaaliga ee BBcda

ugu dambeyntii dadkii weerarka ku dhaawacmay ayaa lagu daaweynayaa goobaha Caafimaad ee ku yaala Magaalada Xamar

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5989
LATEST NEWS