January, 22-2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo War Qoraal ah soo dhigay Bartiisa uu ku leeyahay twitter-ka ayaa ka hadlay Weerarkii lagu qaaday Maqaayadda Liido Sea Food,waxaana uu sheegay Ra’iisul Wasaarahu inuu Cambaareenayo Falkaasi lagu laayay dadka Shacabkaa ee aan waxba galabsan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Xukumaddiisa ay ka Xun tahay Dadkii ay Dhibaatadu halkaa ku gaartay,isagoo kuwa Dhintay Allah uga baryay inuu u Naxariisto,halka kuwa ku dhaawacmayna uu u rajeeyay Caafimaad Deg Deg ah.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sidoo kale Ammaanay doorka Ciidamada Amniga Soomaaliya ay ka qateen soo badbaadinta Dadkii Shacabkaahaa ee halkaa ku go’doon sanaa.

Weerarka lagu qaaday Maqaaxida Liido Sea Food iyo hotel ku yaala isla xeebtaas ayaa waxaa ku dhintay 20 Ruux oo ay ku jiraan Kooxdii Weerarka la heyd oo ka tirsaneyd Al-shabaab.

Dhanka kale Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Xalay ka dhacay Xeebta Liido ayaa la dhigay Goobaha Caafimaad ee Muqdisho iyadoo qaarkood ay soo hagaageyso Xaaladooda Caafimaad.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6194
LATEST NEWS