November, 28-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
ildhibaan Maxamed Cumar habdhowraha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Radio Xamar VOD ayaa sheegay in shirka baarlamaanka uu ku saabsanyahay qeybinta sharciga darbiga Soomaaliya iyo Kenya, oo dhawaan ay ku mashquulsanaayeen soo diyaarintiisa guddiyada arrimaha dibadda iyo gudaha ee baarlamaanka.

“Labo Ajande ayaa horyaala golaha, midka kowaad waxa uu yahay qeybinta sharciga darbiga Soomaaliya iyo Kenya, waxaa soo diyaariyay guddiga arrimaha dibadda iyo guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka, sidoo kale guddiga maaliyadda ee baarlamaanka waxa ay iyana soo diyaariyeen qaraar ku saabsan dib u eegista qarashaadka dowladda oo Xildhibaanada loo qeybin doono” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Xildhibaanka ayaa xusay in sharciga darbiga Kenya iyo Soomaaliya uu mari doono saddex marxaladood oo ah akhrinta koowaad, labaad iyo saddexaad, iyadoo Xildhibaannadu ay guddiyada soo diyaariyay ay su’aalo ka weydiin doonaan inta lagu guda jira marxaladaha akhrinta, kadibna goluhu ay cod gelin doonaan, si uu u noqdo sharci uu baarlamaanku meel mariyay.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6239
LATEST NEWS