November, 27-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Gudoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Axmed Salaad Ibrahim ayaa ka warbixiyay dhibatooyin uu sheegay iney ka jiraan Warta Siigaale ee Degmadaasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhibaato fara badan ay ka jiraan Warta Siigaale oo uu sheegay in Biyaha ay soo dhaafeen wartaasi isla markaana ay saameyn ku yeelaneyso dadka shacabka ah ee ku nool Goobaha u dhaw Warta Siigaale.

Wuxuu tilmaamay in ay muhim tahay in la Magacaabo Guddi gurmad ah oo Arrimahaasi wax ka qabta isla markaana dadka ku dhiira geliya iney ka qeyb qaataan ka hortaga dhibaatada warta Siigaale.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhankiisa sheegay iney wax ka qabanayaan Biyaha Fadhiistay Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho.



Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan Wadooyinka Xaafada Degmada Hodan ay fadhiisteen Biyo isla markaana ay Muhiim tahay in Shacabka Degmada ay iskaashadaan oo ay Biyahaasi iska bixiyaan.

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gooyay oo xeray biyo, waxaana Shacabka Gobolka Banaadir ay horay u dalbadeen in Arrimahaasi wax laga qabto. Waxaana weli soconaya dadaalada Maamulka Gobolka Banaadir uu wado oo ku aadan biyo ka saarida Wadooyinka Magaalada Muqdisho.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6155
LATEST NEWS