November, 27-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/Rashiid iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka wasarada Arimaha gudaha C/raxman Odawaa, Wasiiro Dowladaha Madaxtooyada Mahad Max’ed Salaad iyo Taliyaha Ciidanka xooga Dalka sareyo gaas Max’ed Adan Axmed buud oo ku baxay Colaada u dhaxeysa maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa sheegay in ay soo afjarayaan xiisada Dagaal ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo.
Ra’isul Wasaara ayaa Magaalada Cadaado kula kulmay Masuulka ugu Sareeya Maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed isagoona kala hadlay Colaada ka oogan Gaalkacyo iyo sidii xal waraa loogu heli lahaa.

Dhinaca kale Cumar C/Rashiid ayaa xusay in dhinaca Puntland oo tagi doonaan iyagu ay ku adkeynayaan inay nabada qaataan, sidoo kalena laga shaqeeyo Dadkii Magaalada uga barakacay Colaada awgeed qaabkii iyagu dib loogu soo celin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa Saacadaha soo socda gaari doona Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland si ay halkaa ugula kulmaan Masuulka ugu Sareeya Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5933
LATEST NEWS