November, 27-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Wararka laga helaayo magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ka howlgala halkaasi ay gacanta ku dhigeen Haweeney sumeysay seygeeda iyo Labo kale oo ku lug lahaa Qorshaha suntan.
Ciidamada oo kaashanaayay macluumaad ay ka heleen dhanka dadka deegaanka ayaa u suuragashay inay gacanta ku dhigaan Haweeneydaasi iyo Labo kale oo ku lug lahaa Qorshaha suntan.

C/qaadir Maxamuud Axmed oo ah Taliyaha Booliska saldhiga Baladweyne, ayaa sheegay in Haweeneydaasi ay ku jirto gacanta Maamulka islamarkaana ay ku wadaan baaritaano lagu xaqiijinaayo falkaasi ay ku kacday.

Taliyaha waxa uu sheegay in ninkaasi sunta la siiyay uu geeriyooday, Haweeneyda falkaan ku kacdayna hada ay ku jirto gacanta Ciidanka Booliska Baladweyne, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in dilkaani uu horay u fashilmay laba jeer, balse markii sedexaad uu u suuragalay haweeneydaasi.

Waxa uu sheegay in markii danbe ay caano u soo qastay isaga iyo seddex kale oo la socotay oo qeybtiisii galaaska ay sumeysay ka dibna caro darted ay Galaaskii caanah laaday.

Ugu danbeyntii, Booliska Baladweyne ma aysan shaacin magacyada Haweeneyda iyo Ninka dhintay,waxaana Booliska sidoo kale gacanta ku hayaan Haweeney kale oo iyaduna damacsaneyd siinta sun Seygeeda iyo Wiil kale oo Sunta soo iibiyay.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6200
LATEST NEWS