November, 26-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta Allaha u naxariistee Dr. C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad siday Meydkiisa ay saaka ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.Salaada Janaasada ee Meydka Safiirkii hore ee Masar u fadhiyay ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiiro, xildhibaano iyo ehelada marxuumka.

Aaska ayaa ka dhacay qabuuraha Isbitaal Madiina ayaa waxaa ka qeyb galay, Guddoomiyaha Gobolka Wasiiro, Xildhibaano, wafdi ka socday Jubbaland, waxaana ay ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa nin wax weyn ka soo qabtay siyaasada arrimaha dibadda.

Allaha u naxariistee Danjire C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa ahaa safiirkii mudada dheer u fadhiyay Soomaaliya dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Safiirka, waxaana uu ku tilmaamay in qeyb weyn uu ka soo qaatay diblomaasiyada Soomaaliya
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5989
LATEST NEWS