November, 23-2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
23-November-2015 Xamar Radio Dhaqaalaha loogu deeqay dowlada Ethiopia ayaa gaareysa 16 milyan oo doolar si gargaar raashiin loogu sameeyo dadka ay saameeyeen abaaro ku dhiftay dalka Ethiopia.
Dowlada Sweden ayaa dhaqaalo ugu deeqday dowlada Ethiopia si wax loogu qabtay dadka Soomaaliyeed ee nool dalkaasi Ethiopia, sida lagu sheegay kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Dhaqaalahaasi ayaa loo sii marsiin doonaa hayada cunnada aduunka ee WFP si ay gargaar ugu dhigto Dadka abaaraha ay saameeyeen, sidaaasi waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay dowlada Sweden.

1.5 milyan oo kamid ah dhaqaalahaasi ayaa gargaar loogu qaban doonaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka Soomaalida Ethiopia oo abaarta ay saameysay waxaana ugu badan in nafaqo celin loogu sameeyo caruur badan.

Masuuliyiin dowlada Sweden ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan dowlada Ethiopia iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka ismaamulka Soomaalida Ethopia.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5889
LATEST NEWS